In ka badan 30 qof oo ku dhaawacantay weerarka ay Iiraan ku qaaday Israa’iil.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhakhaatiirta caafimaadka ee Israa’iil ayaa dabiibaya ugu yaraan 32 qof oo dhaawac ah ka dib weerarradii ugu dambeeyay ee Iran, sida uu sheegay adeegga degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA).

Laba qof, ookala ah nin da’diisu tahay 80 jir iyo haweeney 70 jir ah, ayaa xaaladoodu aad u liidato, halka 30 qof oo kalena ay qabaan dhaawacyo fudud, oo u badan qaraxyada iyo firirka, ayuu yiri adeegga MDA.

Warbixin taa ka duwanna, dhaqtar ka tirsan MDA, Yossi Shilo, ayaa sheegay in kooxdiisu ay arkeen “burbur ballaaran” oo gaaray goob dhisme ah”.

Haweeney da’deedu ay ku dhowdahay 60 jir ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo ku jirta “xaalad halis ah”, ayuu intaa raaciyay.