Trent Alexander-Arnold Oo Ka Fal Celiyay Ka Qayblka Kulankii Ugu Horeeyay Ee Real Madrid.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Real Madrid ee Trent Alexander-Arnold ayaa la hadlay saxaafada kadib bar-barihii 1/1 ahaa ee ay kooxdiisu la galay Al-Hilal kulan ka tirsanaa wareega 1-aad ee Group-yada koobka kooxaha adduunka.

Trent ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Rasmi ah tan ilaa markii uu si xor ah ugu soo biiray Kooxda xagaagan.

Laacibka ayaa yiri: “Ka qeybqaadashadaydii ugu horeysay waxay aheyd mid cajiib ah, u ciyaarida Real Madrid waxay

riyo u tahay qof walba, inkastoo aan ka niyad jabnay inaanan badinin, guuleysiga kulan walba waa qeyb ka mid ah maskaxda Real Madrid, waxaa jiray waxyaabo badan oo wanaagsan, gaar ahaan qeybta labaad”.

“Qeybtii labaad, waxaan heysanay kubada badan, waana waxa naga maqan qeybtii hore, waa inaan kubada sii haysanaa inta ugu macquulsan si aanan kooxda naga soo hor jeeda u siin fursad”.

Qeybtii labaad, waxaan u ciyaarnay si ka fiican, waxaan ku qasbeynay inay difaacaano wax badan, waxaana galnay xerada ganaaxa wax badan. Rigoorayaal ayaa ka dhaca kubada cagta, mana jirto cid qaadata mas’uuliyadda. Waxaa jira waxyaabo fiican oo aanu samayn doono ciyaarta soo socota”