Wakhtiga Ay Liverpool Dhamaystirayso Saxiixa Milos Kerkez Oo La Ogaaday.

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Milos Kerkez sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Liverpool ayaa Milos Kerkez ka dhigatay bartilmaameedka ugu muhiimsan daafaca Bidix si ay ugu xoojiso kooxda.

Reds ayaa wadahadalo kula jirtay Bournemouth todobaadyadii la soo dhaafay si ay ula heshiiso kooxda Bournemouth.

Haatan saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegaya in ay Liverpool ku sii dhawaanayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Milos Kerkez.

Jacobs ayaa sheegay in ay Liverpool todobaadka dambe dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga Milos Kerkez.