Trump oo dadka ku nool Tehran ugu baaqay inay degdeg uga baxaan.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dad aad u badan ayaa isku dayaya inay ka qaxaan Tehran, balse jidadka ayaa weli si aad ah u cidhiidhi ah, sidii ay ahayd maalmahii ugu dambeeyay.

Markii hore, Benjamin Netanyahu ayaa shalay dadkii ku noolaa qaybo ka mid ah Tehran ugu baaqay inay ka baxaan, kaddibna madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa caawa sheegay in “qof walba” uu si degdeg ah uga baxo caasimadda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump fariintiisa uu ku sheegay in dadka ku nool Tehran ay “si degdeg ah” uga baxaan waxa ay ujeedadeedu tahay in lagu muujiyo farriin ah in Iran ay tahay inay si dhaqso ah miiska wadahadalka u timaado, sida uu ilo ka tirsan Aqalka Cad u sheegay warbaahinta CNN ee Mareykanka.

Sida ay sheegtay warbaahinta CNN, ilaha xogta ayaa sheegay in Trump uu si joogto ah u helaayay warbixino la xidhiidha xaaladda u dhexeysa Israaiil iyo Iraan intii lagu guda jiray Isniintii, kulankii dhexeeyay shirar G7 ee ka socday buuraleyda Canadian Rockies.

Shirkaas oo uu madaxweyne Trump ka tagay xilli hore isaga oo socda xaaladda bariga dhexe awgeed. Trump ayaa sheegay in daqiiqado ka hor ay wadahadalo bilowdeen taas uu madaxweynaha Faransiiska soodhaweeyay shir saxaafadeed uu qabtay.

Sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka madaxweyne Donald Trump ayaa ka codsaday Golaha Amniga Qaranka in ay isugu yimaadaan qolka xaaladaha degdegga ah, kadib ka laabashadiisa Canada.