Maraykanka oo sheegay in aanay qayb ka ahayn waxna ka ogayn weerarrada Israel ku qaadday Iran

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn weerarada Israa’iil ay ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran, taasoo ah tallaabo kor u sii qaadaysa xiisadda gobolka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa war-saxaafadeed soo saaray wax yar un ka dib markii duqeymuhu bilaabmeen, isagoo sheegay in Israa’iil ay qaaday “tallaabo kalinnimo ah”, islamarkaana uga digay Iran inaargudashadeedu uu saameeyo Mareykanka.

“Annagu kuma lihin wax lug ah weerarrada ka dhanka ah Iran, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio. “Aan cadeeyo: Iran waa inaysan beegsan danaha ama shaqaalaha Mareykanka.”

Inkasta oo Mareykanka si cad uga fogaaday howlgalka Israa’iil, hadana telefishinka dowladda Iran ayaa si degdeg ah Mareykanka ugu eedeeyay in uu “ka qeyb qaatay” weerar ay ku tilmaameen mid “caruur lagu dilay”.

Weerarrada Israa’iil oo loogu magac daray Hawlgalka Libaaxa Soo Kacaya (Operation Rising Lion) ayaa lagu beegsaday barnaamijka nukliyeerka Iran iyo goobo kale oo ciidan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).