XASAASI: Liverpool Oo Wadahadalo Kula Jirta Barcelona Si Ay Uga iibiso Luis Diaz.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool FC ayaa wadahadalo la furtay kooxda reer Spain ee Barcelona oo ku saabsan mustaqbalka garabka reer Colombia ee Luis Diaz.

Xiisaha Barcelona ee saxiixa Diaz ayaa ku soo beegmaya iyadoo qayb ka ah dadaalka ay ku xoojinayso kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, ka dib markii ay kooxdu ku guulaysatay 3 koob xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Inkasta oo ay Liverpool hore u diiday in ay wax wada xaajood ah ka gasho 28 jirkan, haddana Sport ayaa ku warramaysa in kooxdu ay hadda u furan tahay in ay ka hadasho heshiiska, gaar ahaan ka dib markii uu Diaz muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu u dhaqaaqo Barcelona oo uu meesha ka saaray inuu u dhaqaaqo horyaalka Sucuudiga inkasta oo uu dalabyo qaali ah ka helay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Liverpool ay aqbali doonto inay iibiso Diaz haddii la helo dalab dhan 85 milyan oo euro.

halka Barcelona ay hadda dalabkeeda ku sheegtay 60 milyan oo euro iyadoo ay sii socdaan wada xaajoodyada labada dhinac.