Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay dalka Hindiya, halkaas oo diyaarad ay lahayd shirkadda Air India ay ku burburtay magaalada Axmedabad.
Diyaaraddan oo ku sii jeedday magaalada London, ayaa waxaa ku geeriyoodey 241 qof oo ka mid ah 242 rakaab ah oo saarnaa.
Hal nin oo u dhashay dalka Britain ayaa ah qofka keliya ka badbaaday shilkaas.
Diyaaradda waxaa saarnaa 169 muwaadin oo u dhashay wadanka Hindiya, 53 British ah, 7 heysata dhalasho Boortaqiis ah iyo hal Canadian ah, sida ay sheegtay Air India.