Ronaldo: “Anigoo Dhaawac Qaba Ayaan Ciyaarayay,Lama Soo Koobi Karo Farxaddeyda”

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga xulka qaranka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa warbaahinta la hadlay kaddib markii kooxdiisu ku guuleysatay koobka UEFA Nations League, kaddib guul rigoorayaal ah oo ay ka gaareen xulka Spain, maadaama ciyaarta wakhtiga rasmiga ay ku dhammaatay barbaro 2-2 ah.

Ronaldo ayaa yiri:

“Dabcan, aad ayaan u faraxsanahay. Waxaan haysannay rajooyin waaweyn oo ay ka mid ahayd in aan ku guuleysanno koob sidan oo kale ah. Jiilkan wuxuu u qalmaa koobkan; koobkan wuxuu u yahay riyo taageerayaasha, iyo qoysaska ciyaartoyda.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan la guuleystay kooxo badan, waxaana helay abaalmarinno shaqsiyeed oo tiro badan, balse guusha aan la gaaray xulka qaranka Portugal waxba la ma barbardhigi karo.”

Wuxuu sidoo kale sheegay:

“Inaad la ciyaarto xulka qaranka oo aad matasho dalkaan waa sharaf weyn, sidoo kalena in aan noqdo kabtanka jiilkan waa kibir aanan qeexi karin. Koobkani wuxuu ii leeyahay macne aad u weyn.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Waxaan qabay dhaawac fudud, balse intii ciyaarta lagu jiray wuu sii xumaaday. Si kastaba, waxaan sameeyay wax walba oo aan awooday si aan kooxda u caawiyo.”

Ugu dambeyntii, isagoo ka hadlaya mustaqbalkiisa, wuxuu yiri:

“Waqtigaan waxa uu ii yahay mid aan ku nasto oo aan kaga bogsado dhaawaca, sidoo kalena aan ugu dabaaldego koobkan. Mustaqbalkeyga waxaan ka fikirayaa markale, hadda aad ayaan u faraxsanahay.”