Saddex Koox Oo Premier League Ka Dhisan Oo Ku Loollamaya Saxiixa Garnacho

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa diyaar u ah inay iibiso Garnacho, iyadoo tababaraha cusub Ruben Amorim la sheegay inuu u sheegay xiddiga reer Argentina inuu raadsado koox cusub.

Garnacho ayaa khilaaf joogto ah ku dhammeystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu si cad uga cadhooday go’aankii Amorim uu kaga reebay kulankii kama dambaysta ahaa ee Europa League oo ay Tottenham ka adkaatay United.

Waxaa sidoo kale laga saaray liiska ciyaartoyda maalintii ugu dambeysay ee horyaalka Premier League.

Tababarihii hore ee United, Erik ten Hag, oo haatan loo magacaabay macallinka cusub ee Bayer Leverkusen, ayaa la rumeysan yahay inuu xiiseynayo inuu la midoobo ciyaaryahankan mar kale.

Si kastaba, qiimaha laga rabo iyo mushaharka Garnacho ayaa noqon kara caqabad weyn oo heshiiska hor istaagta.

Wararka hadda la helayo ayaa muujinaya in Garnacho ay suuragal tahay inuu sii joogo gudaha Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay wargeyska UK Metro, saddex kooxood oo Premier League ah ayaa xiisaynaya saxiixiisa — Chelsea oo horey isugu dayday inay la wareegto bishii Janaayo, ayaa haatanba baadi-goob ugu jirta weeraryahanno cusub.