Galmudug oo sheegtay in ay hoos u dhacday tirada kiisaska kalluumaysiga sharci-darrada

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu ciribtiro kalluumaysiga sharci-darrada ah, ayaa dowlad-goboleedka Galmudug sheegtay in hoos u dhac weyn laga dareemayo kiisaska la xiriira kalluumaysiga aan sharciga waafaqsanayn.

Maxamed Xasan Axmed, oo ah Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Galmudug, ayaa Wuxuu sheegay in ciidamo ilaaliya xeebaha Galmudug ay si joogto ah u hawlgalaan, kuwaas oo hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya