Federico Chiesa Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Federico Chiesa ayaa muujiyay in uusan wax cabasho ah ka qabin haddii uu sii joogo Liverpool, inkastoo uu la kulmay xilli-ciyaareed adag oo uu ka hoos ciyaaray tababaraha cusub Arne Slot. Chiesa oo ku soo biiray kooxda 26-kii August, ayaa sheegay inuu si lama filaan ah ugu dhacay xaalad cusub—saaxiibo cusub, ciyaar cusub iyo tababare cusub oo xitaa mararka qaar inuu tababarrada la qaato ciyaartoyda u diida si uu u nasto.

Waxa uu qirtay in bilowgii uu dareemayay niyad-jab maadaama uu aad uga dambeeyay kooxda, wuxuuna dhaawac ku seegay fursado badan. Isagoo ka hadlayay boos la’aanta, wuxuu xusay inuu la tartamayay xidigo heer caalami ah sida Mohamed Salah, Luis Diaz iyo Cody Gakpo. Wuxuu intaa ku daray in Slot uu mararka qaar u adeegsaday booska weeraryahanka dhexe, xiligaas oo uu u hoggaansamay taladii Max Allegri oo kula taliyay in uu noqdo weeraryahan labaad si uu goolal u dhaliyo.

Chiesa ayaa tilmaamay in uu waayo-aragnimo badan ka helay nolosha iyo kubadda cagta Ingiriiska, isagoo xusay in uu luqadda fahmay maadaama uu hore u soo bartay. Waxa uu sheegay in uu ku garwaaqsaday duruufaha, uuna diyaar u yahay inuu la fadhiisto qoyskiisa, wakiilkiisa Fali Ramadani iyo kooxda si go’aan fiican loo gaaro—laakiin wuxuu shaaciyay in qorshihiisa hadda yahay inuu sii joogo Anfield.