Manchester United Oo Digniin Culus U Dirtay Ruben Amorim.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulaha guud ee Manchester United, Omar Berrada, ayaa si cad u sheegay in kooxda aysan aqbali doonin xilli ciyaareed kale oo fashil ah, isagoo si toos ah fariin ugu diray tababare Ruben Amorim.

United ayaa dhammeysatay xilli ciyaareedkii 2024/2025 iyadoo aan wax koob ah qaadin, taasoo noqotay xilligii ugu xumaa ee taariikhda kooxda. Fursaddii ugu dambeysay waxay aheyd in ay ku guuleystaan Europa League si ay ugu soo baxaan Champions League, balse waxaa 1-0 kaga adkaatay Tottenham finalkii lagu qabtay Bilbao.

Si kastaba, kooxda ayaa horay u dhammeystirtay saxiixa Matheus Cunha oo kaga yimid Wolves £62.5 milyan, halka ay sidoo kale ku dhow yihiin dhammeystirka heshiiska Bryan Mbeumo oo ka tirsan Brentford.

Berrada oo la hadlay saxaafadda kaddib markii la shaaciyey natiijooyinka maaliyadeed ee kooxda ayaa yiri:

“Waan ku faannay in aan gaarno finalka UEFA Europa League, balse runtii aad baan uga niyad-jabnay in aan kusoo koobno kaalinta labaad.

“Xilli ciyaareedkeennu Premier League wuxuu ahaa mid adag, waxaana ognahay in uu si weyn uga hooseeyay heerkii laga filayay. Sidaas darteed, waxaannu leenahay hal aragti: in horumar la taaban karo la gaaro xilli ciyaareedka soo socda.”