Pedri Oo Bannaanka Keenay Qorshaha Spain Ay Ku Celineyso Mbappe Kulanka Semi Finalka Ee Nations League

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka Spain, Pedri, ayaa ka hadlay kulanka adag ee ay Spain la ciyaari doonto France semi-finalka UEFA Nations League, isagoo si gaar ah u dul istaagay halista uu leeyahay Kylian Mbappe.

“Markaad ka hadleyso ciyaaryahan heerkaas ah, way adkaanaysaa inaad tiraahdo ‘furaha guusha waan helnay’,” ayuu Pedri yiri.

Inkastoo uu qiray in xulkiisa uu si wanaagsan u xakameeyay Mbappe kulamadii hore, Pedri wuxuu rumeysan yahay in weeraryahanka France uu doonayo inuu saameyn xooggan ku yeesho kulanka soo socda.

Wuxuu sidoo kale falanqeeyay qaab ciyaareedka France, isagoo sheegay inay yihiin koox xoogan oo si dhaqso leh uga faa’iideysata weerarada rogaal celiska ah.

“Waa inaan si taxaddar leh uga hortagno,” ayuu yiri Pedri.

Si kastaba, Pedri ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo awoodda Spain ee ah inay xakameeyaan kubadda oo ay ciyaarta la wareegaan.

“Haddii aan kubadda ku raaxeysano, waan ognahay sida loo maamulo ciyaarta,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in guusha Nations League ay muhiim u tahay yoolalka mustaqbalka ee xulkiisa:

“Guusha tartankan waxay na siineysaa kalsooni aan ku hantin karno koobab kale.”