Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Manchester City ayaa la sheegay in laga diiday dalabkoodii ugu horreeyay oo ahaa qiyaastii €23m si ay u helaan garabka da’da yar ee Olympique Lyonnais, Rayan Cherki, sida laga soo xigtay wariyaha Sacha Tavolieri.
Cherki, oo ah xiddig kasoo baxay akadeemiyadda Lyon, ayaa dhaliyay 12 gool isla markaana caawiyay 20 kale xilli ciyaareedkii 2024–25, taasoo ka dhigtay bartilmaameed muhiim u ah kooxaha waaweyn ee Yurub.
Inkasta oo Lyon diiday dalabkaas koowaad, haddana warbixinadu waxey sheegayaan in Man City iyo Cherki ay horey isula meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah, taasoo macnaheedu yahay inuu saxiixi doono qandaraas ugu yaraan shan sano ah.
Wadahadallada u dhexeeya labada kooxood ayaa weli socda, iyadoo la filayo in qiimaha la isku afgartay uu u dhexeeyo €30m ilaa €40m.
Milkiilaha Lyon, John Textor, ayaa horey u sheegay in aysan diyaar u ahayn inay iska iibiyaan Cherki, isagoo horey u diiday dalabyo kaga yimid Borussia Dortmund iyo PSG. Si kastaba, maadaama Cherki uu galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, Lyon waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyo macquul ah.
Waxaa la sugayaa sida ay xaaladdan ku dhammaan doonto inta uu socdo suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo City ay doonayso inay xoojiso kooxda halka Lyon ay dooneyso faa’iido buuxda oo dhaqaale.