Florian Wirtz Oo Ka Yaabsaday Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Ka Hadlay Lambarka 10-aad!

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz ayaa si cad uga hadlay warar soo baxay oo sheegayay inuu doonayo inuu qaato lambarka 10-aad haddii uu ku biiro Liverpool xagaagan.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay si dhab ah u dooneyso saxiixa Wirtz, iyadoo lagu qiyaasay in heshiiskaasi uu gaarayo illaa €150 milyan.

Laakiin Wirtz ayaa bartiisa rasmiga ah ee Instagram ku qoray:

“Yaa yiri waxaan doonayaa lambarka 10? Waxaan ixtiraamaa ciyaartoyda.”

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:

“Ha rumeysanina wax walba oo la qoro.”

Waxaa la sheegay in Wirtz uu iska diiday dhowr dalab oo waaweyn, kuwaas oo ka yimid kooxaha Real Madrid, Manchester City, iyo Bayern Munich, si uu ugu biiro kooxda uu ka doortay – Liverpool.