Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee kooxda Real Madrid, Jude Bellingham, ayaa muujiyay sida uu u qadariyo muhiimadda Koobka Adduunka ee Naadiyada, isagoo xaqiijiyay in kooxda boqortooyada ah ay u hanqal taagayso inay ku guuleysato nooca cusub ee tartankaas oo markii ugu horreysay lagu dabaqayo nidaam cusub.
Bellingham ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Marca ee dalka Spain ku yiri:
“Tartan kasta oo aan ka qeybgalno waa muhiim. Waxaan la ciyaareynaa 31-ka koox ee ugu fiican adduunka – dhammaantood waxay heerkan ku yimaadeen si sharaf leh iyo dadaal.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Sidaas darteed, tartankani wuxuu leeyahay qiime weyn, waxaana doonayaa inaan noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ku guuleysta.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray:
“Haddii aan ku guuleysano koobkan, waxay noqon doontaa guul taariikhi ah maadaama aan noqonayno kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata nooca cusub ee Club World Cup.”
Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu jirta diyaar garowga tartanka, kaasoo ka dhici doona Mareykanka laga bilaabo Juun 14 illaa Luulyo 13, 2025, iyadoo lagu daray Group 8 oo ay kula jiraan kooxaha Al Hilal (Sacuudi Carabiya), Pachuca (Mexico), iyo Salzburg (Austria).