FIFA Oo Shaacisay Abaalmarinta Qarsoon Ee Tartanka Club World Cup!

0
61

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda ku guuleysata Club World Cup ee FIFA ayaa heli doonta calaamad gaar ah (badge) oo si rasmi ah loogu tolayo maaliyadda kooxdaas, taasoo afar sano ku nagaan doonta maaliyadda, sida uu ku warramayo weriye Ben Jacobs.

Tartanka Club World Cup-ka sanadkan ayaa lagu qaban doonaa Mareykanka laga bilaabo bartamaha bisha Juun illaa horraanta Luulyo, waxaana la sheegay inuu noqon doono tartankii ugu qaalisanaa ee abid FIFA u qabato kooxo.

Kooxda ku guuleysata tartankaasi waxay heli doontaa abaal-marin lacageed oo dhan €120 milyan, taasoo ka dhigan guul weyn oo dhaqaale iyo sharaf ah.

Labo kooxood oo reer England ah – Chelsea iyo Manchester City – ayaa ka qeybgalaya tartanka, halka Real Madrid iyo Atletico Madrid ay metelayaan dalka Spain.

Kooxaha kale ee qaaradda Yurub ka socda waxaa ka mid ah: Bayern Munich, PSG, Inter Milan, Porto, Benfica, Borussia Dortmund, Juventus, iyo Red Bull Salzburg.