Booliska Merseyside Oo Xaqiijiyay Ciddii Ka Dambeysay Shil Baabuur Oo Wax Kasoo Gaaray Taageerayaal Liverpool Ah

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Booliska Merseyside ayaa xaqiijiyay in nin 53 sano jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Liverpool la xiray kaddib markii uu ku lug yeeshay shil waddo oo dhacay intii lagu jiray dabaaldegga horyaalka Premier League ee kooxda Liverpool FC.

Shilka ayaa ka dhacay waddada Water Street oo ku taal bartamaha magaalada Liverpool, xilli taageerayaal badan isugu soo baxay si ay ugu dabaaldegaan guusha kooxda. Sida ay boolisku sheegeen, baabuur ayaa jiiray dad lugaynayay wax yar kaddib 6:00 fiidnimo maalintii Isniinta, May 26.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen booliska Merseyside ayaa lagu yiri:

“Waxaan dadka ka codsaneynaa inaysan saadaalin ama faallo ka bixin duruufaha shilka caawa ka dhacay Water Street ee bartamaha magaalada Liverpool. Waxaan xaqiijinaynaa in ninka la xiray uu yahay nin 53 jir ah oo caddaan ah, u dhashay Britain, kana soo jeeda aagga Liverpool.”