Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Paris Saint-Germain ayaa ku guuleysatay dagaalkii sharci ee kala dhaxeeyay Kylian Mbappé, iyadoo maxkamad ay laashay dalabkii ciyaaryahanku ku doonayay €55 milyan oo uu ku sheegay inay yihiin gunnooyin iyo mushahar aan la siin.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in Mbappé uusan bixin caddeyn ku filan oo muujinaysa iney jirto dayn dhab ah ama in ay jirto khatar dhab ah oo ah in lacagtaasi aan la heli karin. Sidaas darteed, dalabkii uu ku xayiran lahaa lacagta ayaa la diiday.
Mbappé, oo haatan heshiis la gaaray Real Madrid, ayaa ku andacooday in PSG ay ku maqantahay €55 milyan oo ah lacag uu xaq u lahaa. PSG ayaa dhankeeda sheegtay in Mbappé uu si afka ah uga tanaasulay lacagtaas si uu mar kale ugu biiro kooxda xilli ciyaareedkii 2023–2024.
Kiiskan ayaa qayb ka ah muran dheer oo u dhexeeyay Mbappé iyo kooxda PSG, waxaana la filayaa in uu sii socdo xalka kama dambaysta ahna looga gaaro maxkamad sharci.