Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaxooti gaaraya 183 qof oo Ku noolaa xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo lagu waday inay u safraan dalka Jarmalka si ay qeyb uga noqdaan qorshaha dib u dajinta ayaa dib loogu celiyay xeryaha qaxootiga isla Kakuma, kadib markii dowladda Jarmalku ay joojisay dhamaan qorshaha dib u dejinta ilaa amar dambe.
Qaxootigan oo magaalada Nairobi ku sugnaa muddo saddex toddobaad ah oo ay sugayeen bixitaankooda, ayaa ka soo horjeestay tallaabadan, iyagoo sheegay inay iibiyeen dhammaan hantidoodii iyagoo rajeynaya inay nolol wanaagsan ka helaan Yurub.
Warbaahinta Citizen ee ka howlgasha dalka Kenya ayaa booqatay halka lagu hayay dadka, halkaas oo 183 qaxooti ah ay ku sugayeen basaskii dib ugu celin lahaa xeryaha Kakuma.
Kooxda, oo ka kala yimid in ka badan shan waddan, ayaa la siiyay fiisayaal iyo tigidho.
Muddo saddex toddobaad ah ayay ku sugnaayeen xaruntii ay ka bixi lahaayeen, waxayna diyaar u ahaayeen inay bilaabaan nolol cusub, balse arrimuhu way isbedeleen.
Dadkan ayaa loo sheegay in la hakiyay duulimaadyadii dalka Jarmalka maadam dalkaasi ay ka dhaceyso doorasho.