Man United Oo Chelsea U Sheegtay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Alejandro Garnacho.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man United ayaa u sheegtay Chelsea in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Alejandro Garnacho xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.

Mustaqbalka Garnacho ee Old Trafford ayaa u muuqda mid aan la hubin ka dib markii uu bartilmaameedsaday Ruben Amorim ka dib guuldaradii United 1-0 ka soo gaartay Tottenham finalkii Europa League habeenkii Arbacada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ka xanaaqay go’aankii Amorim uu kaydka ku bilaabay kulankii final-ka isaga oo badal ku soo galay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.

“Ilaa finalka waxaan ciyaaray wareeg kasta anigoo kooxda caawinaya, maantana waxaan ciyaarayaa 20 daqiiqo, ma garanayo,” Garnacho ayaa u sheegay warbaahinta.

“Finalka waxa uu saameyn doonaa [go’aankeyga] laakiin xilli ciyaareedka oo dhan, xaalada kooxda. Waxaan isku dayi doonaa inaan ku raaxaysto xagaaga oo aan arko waxa dhacaya ka dib”.

Kahor inta aysan ciyaarta bilaaban, Garnacho ayaa soo dhigay sawirka isaga oo u dabaaldegaya goolashiisa finalka FA Cup iyo Community Shield sanadkii hore.