Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddigaha Bayern Munich, Liverpool iyo Real Madrid ayaa ka mid ah xiddigaha kaliya hal koox u soo ciyaaray ee ka tagi doona kooxdooda xagaaga 2025.
Waqtigan casriga ah, ciyaartoyda hal koox u soo ciyaaray sida Paolo Maldini, Ryan Giggs iyo Francesco Totti ayaa sii yaraanaya.
Waxa aan halkan ku soo bandhigk doonaa shan ciyaartoy oo hadda hal koox ah kuwaas oo qarka u saaran inay ka tagaan kooxdooda hadda dhamaadka xilli ciyaareedka.
Thomas Muller
In aan lagu arkin Muller oo xiran funaanadda Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda waxa ay noqon doontaa mid aad loola yaabo.
35 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ka tago Allianz Arena xagaagan isagoo in ka badan 750 kulan u saftay Bayern.
Trent Alexander-Arnold
Marka la eego qaabka uu u baxay, Alexander-Arnold si sax ah uma baxayo xaaladaha ugu fiican.
26-sano jirkaan ayaa go’aan ku gaaray inuusan qandaraaska u cusbooneysiin Anfield, kaasoo aan si wanaagsan u dhicin boqolkiba badan ee taageereyaasha.
Inkastoo uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Liverpool ilaa heerkan, daafaca dambeedka midig ayaa ku ooriyay taageerayaashiisa markii uu bedel kusoo galay qeybtii labaad ee ciyaarta kulankii Arsenal.
Lucas Vazquez
Vazquez waxa uu xirfadiisa oo dhan ku qaatay Real Madrid laakiin waxa uu u muuqdaa mid ka tagi doona xagaagan marka uu qandaraaskiisu dhaco.
Imaatinka Alexander-Arnold ee soo socda, Vazquez ayaa loo arkaa in laga maarmi Karo.
Kooke:
Wakhtigan waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka xiddiga ee kooxda Atletico Madrid.
33-sano jirkaan ayaa qandaraas hal sano ah kula jiray dhowr sano, welina lama go’aansan inuu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee 2009, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kooxda u saftay ku dhawaad 700 oo kulan, waxaana uu helay maqaam halyey ah.
Ansu Fati
Iyadoo Fati uu amaah kula joogay Brighton xilli ciyaareedkii hore, wuxuu farsamo ahaan hoos yimaada dallada ‘hal koox’ tan iyo markii uu had iyo jeer qandaraas kula jiray Barcelona.
Si kasta ha ahaatee iyada oo loo socdo xilli ciyaareedka 2025/2026 waxa ay u badantahay in uu isaga tago kooxda xagaaga.