WARBIXIN: 3 Khalad Oo Uu Sameeyay Ruben Amorim Final-kii Europa League.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ma ahayn natiijadii ay Manchester United doonaysay iyada guuldaro 1/0 ah kala kulantay Tottenham Final Europa League.

Labada kooxood oo ku kala fadhiyay 16-aad iyo 17-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, ayaa iska hor-yimid fursad ay ku heli lahaayeen koob iyo boos ka mid ah Champions League-ga xilli ciyaareedka soo socda.

Natiijadu waxay calaamad u ahayd koobkii ugu horreeyay ee Tottenham tan iyo 2008dii waxayna ku xukuntay United xilli ciyaareed bilaa koob ah.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 khalad oo uu sameeyay Ruben Amorim.

Leny Yoro oo uu ka ciyaarsiiyay boos khaladan:

Waxaa loo tixgeliyey mid ka mid ah daafacyada da’da yar ee kubbadda cagta, Leny Yoro wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo isbeddel dhab ah mar kasta oo uu ku jiro garoonka kubadda cagta.

Laakiin wa in uu ka ciyaaro booska uu ku haboonyahay si uu sidaas u sameeyo si kasta ha ahaatee Amorim ayaa Yoro ka ciyaarsiiyay si uu boos ugu helo Luke Shaw.

Bruno Fernandes oo uu ka ciyaarsiiyay Khadka dhexe ee Daafaca:

Bruno Fernandes ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Khadka dhexe ee weerarka isaga oo kooxda Marar badan booskaaa ka caawiyay kooxda.

Laakiin kulankii Final Europa League Amorim ayaa khalad galay isaga oo xiddiga ka ciyaarsiiyay Khadka dhexe ee Daafaca.

Badalka oo uu La Raagay:

Man United ayaa raadinaysay bar-baro iyada oo doonaysay in ay ku soo laabato ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee Amorim ayaa la raagay badalka isaga oo badalkiisii ugu horeeyay sameeyay 71 daqiiqo.