Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ingiriiska Faransiiska, iyo Kanada ayaa uga digay Israa’iil inay qaadi doonaan “tallaabooyin dhab ah” haddii ay sii waddo ballaarinta “xad-dhaafka ah” ee hawlgallada milatari ee Qasa.
Sir Keir Starmer ra’iisul wasaaraha UK ayaa ku biiray hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Kanada si ay ugu baaqaan dowladda Israa’iil inay “joojiso hawlgalladeeda milatari” isla markaana ay “degdeg u oggolaato gargaar bini’aadantinimo inuu galo Qasa”.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in saddexda hoggaamiye ay siiyeen Xamaas “abaalmarin aad u weyn” dagaalka Qasa awgiis.
Lama oggolaan wax cunto, shidaal ama daawo ah in la geliyo Qasa tan iyo 2-dii Maarso, taasoo noqotay xaalad ay Qaramada Midoobay ku sheegtay inay “dhibaato weyn ku hayso” shacabka Falastiiniyiinta.