Waa Maxay Sababtii Uu Haaland U Laadan Waayay Rikoodhada Kulankii Palace.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Pep Guardiola ayaa ku adkeystay inuusan qeyb ka aheyn go’aankii Omar Marmoush uu rigoore muhiim ah ka qaatay Crystal Palace halkii uu ka ahaan lahaa Erling Haaland.

Fursadii ugu dambeysay ee City ugu guulaysan lahayd koob ayaa dhaaftay kadib markii guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Crystal Palace.

Ciyaarta, si kastaba ha ahaatee, ma aysan ka maqneyn muran badan iyada oo Palace heshay nasiib badan marar badan.

Goolhaye Dean Henderson ayaa aad ugu nasiib badnaa inuu ka baxsado kaarka cas 10 daqiiqo kadib goolkii Eze markii uu ka fogaaday kaarka cas oo uu si ula kac ah khalad ugu galay xiddig Man City ah.

Man City mar kale heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Marmoush Kaas oo uu Goolhaye Henderson si cajiib ah u badbaadiyay.

Arintaas ayaa la yaab ahayd marka la eego in cid walba filaysay in uu Haaland qaato rikodhada laakiin Marmoush Ayaa qaatay rikoodhada.

Markii la waydiiyay sababtii uu Haaland u laadan waayay rikoodhada uu Guardiola yidhi”Ma ogayn sababta walina lama hadlin iyaga ayaa qaatay go’aanka rikoodhada”.