Hansi Flick Oo Isku Qoray Buuga Taariikhda Barcelona Kadib Hanashadii La liga

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Tababaraha kooxda FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa galay taariikhda kooxda reer Catalonia kaddib markii uu la qaaday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan 2024/2025.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay hanashada horyaalka La Liga kaddib guul 2-0 ah oo ay ka gaareen Espanyol kulankii wareegga 36-aad ee horyaalka Spain.

Sida ay qortay warbaahinta Isbaanishka ee Sport, Flick wuxuu noqday tababarahii labaad ee u dhashay Jarmalka ee abid u horseeda Barcelona horyaalka La Liga, kaddib Bernd Schuster oo la qaaday koobkan xilli ciyaareedkii 2007/2008.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Barcelona ay xilli ciyaareedkan ku guuleysatay Super Cup-ka Spain iyo Copa del Rey, inkasta oo laga reebay semi-finalka tartanka UEFA Champions League.