Luis Diaz oo Xaqiijiyay In Uu Heshiiska U Kordhinayo Liverpool.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Luis Diaz ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalo heshiis kordhin ah oo Liverpool ah ay ku dhow yihiin ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda.

Waxa ay Porto kaga soo iibsatay 37.5 euro suuqii January ee 2022, Diaz ayaa dhakhso leh u noqday mid ay taageerayaashu jecelyihiin laakiin waxaa lala xiriiriyay inuu baxo xagaagii hore iyadoo lagu soo waramayo in uu xiiso ka helay Barcelona.

Ugu dambeyntii xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia wuu sii joogay wuxuu door weyn ka qaatay hanashada horyaalka Premier League ee Liverpool.

17 gool oo uu ku lug lahaa ayaa la macno ah in uu soo qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa 13-kii gool ee uu ka dhaliyay horyaalka waxa wadar ahaan kaliya ka sareeya Mohamed Salah (28) dhamaan kooxda.

Diaz waxa uu iska dhigay xiddig muhiim u ah kooxda Slot xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 48 kulan isla markaas ka ciyaaray dhamaan garbaha weerarka.

Diaz ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalo heshiis kordhin ah la qorsheeyay, wuxuu qirtay mustaqbalkiisa inuu ku tiirsan yahay qorshaha kooxda.

Isagoo la hadlayay Telemundo, wuxuu yiri: “Haa, wan ku faraxsanahay, Laga soo bilaabo maalintii ugu horeysay ee aan imid, waxaan had iyo jeer ahaa mid faraxsan, degan, oo ku riyaaqaya kubada cagta ee lagu ciyaaray kooxdan weyn”.

“Waan ka hadli doonaa, waan ka hadli doonaa (wax ku saabsan heshiiska cusub Aniga ahaan, waxaan sii joogi lahaa sanado badan kaliya waxa ay ku xidhantahay qorshaha Kooxda”.