Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa si maldahan u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda hadii ay xaalada haatan ku sii socoto.
Manchester United ayaa ku jirta mid ka mid ah xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa abid, iyadoo ku jirta kaalinta 16aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Inkastoo Red Devils ay u soo baxday finalka Europa League iyo suurtogalnimada inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda, Amorim ayaa walaac ka muujiyay xaalada kooxda iyo suurtagalnimada inay ku guuldareysato inay wax ka bedelaan.
“Ma ahan wax ku saabsan ciyaartoyda, waxay ku saabsan tahay aniga iyo dhaqanka kooxda,” Ruben Amorim ayaa yiri.
“Waa inaan bedelnaa midaas, waa inaan aad u xooganaanaa xagaaga oo aan geesinimo muujino”ayuu ii raaciyay.
“Haddii dareenkani sii jiro, waa inaan boos siinaa dad kala duwan,” ayuu sii raaciyay.