Ingiriiska oo sii adkaynaya sida lagu yimaado dalkiisa.

0
20

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Raysalwasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanyo nidaamka socdaalka ee burbursan. Qorshihiisa waxaa ka mid ah in la adkeeyo imtixaanada luuqada ee qofka fiisaha dalbanaya iyo qofka kale ee ku tiirsan.

Xeerarka socdaalka xisbiga shaqaalaha ee mudada la sugayay ayaa dhawaan la daabici doonaa.

Markii ugu horeysay ayaa dadka fiisooyinka dalbanaya qoysaskooda laga doonayaa in ay yaqaan luuqada Ingiriiska si ay dadka u dhexgalaan, una helaan shaqoyin.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay dadaallo lagu adkeynayo wax uu raysalwasaaraha ku tilmaamay nidaamka socdaalka ee “burbursan.

Nidaamkan ayaa sidoo kale Meesha ka saaraya muhaajiriinta haysta noocyo ka mid ah fiisooyinka in ay si toos ah u qaataan daganaasho marka ay dalka joogaan shan sano kaddib. Badi muhaajiriinta waxaa looga baahan yahay in ugu yaraan ay dalka joogaan 10 sano ka hor inta aysan helin deganaasho, ayna bilaabin jidkii ay ku noqon lahaayeen muwaadiniin