Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka dhirta oo Maanta ku beegan.

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maanta oo sanad waliba la xuso 12 May Maanta waxaan diiradda saareynaa maalin muhiim ah oo laga yaabo in aysan mar walba wararka sare ka muuqan, balse saameyn weyn ku leh nolosha bini’aadamka, Deegaanka iyo cunno-helka dunida.

Waa Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta.

Maalintan oo la xuso sanad walba 12-ka May, waxaa aas-aastay Qaramada Midoobay si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda ilaalinta caafimaadka dhirta si loo dhammeeyo
gaajada, loo yareeyo saboolnimada, loo ilaaliyo deegaanka, isla markaana loo kobciyo horumar dhaqaale, Dhirta waa tiirka nolosha.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegeysa