Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Bayer Leverkusen, Xabi Alonso, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Bundesliga xagaagan.
Alonso ayaa sidaas ku xaqiijiyay shirkiisii jaraa’id ee Jimcihii.
Tababaraha reer Spain ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u wareegayo Real Madrid.
Wuxuu hadda ku dhow yahay inuu ku laabto Bernabeu, halkaasoo uu ka soo ciyaaray 2009 ilaa 2014.
43-jirka ayaa ka tagi doona B04, halkaas oo uu ku riyaaqay guulo la yaab leh tan iyo ku dhawaad saddexdii sano ee uu xilka hayay.
“Kooxda iyo aniga waxaan ku heshiinay in labadaan kulan ee ugu dambeesay ay noqon doonaan kuwa ugu dambeeya aniga oo ah tababaraha Bayer Leverkusen,” Alonso ayaa yiri.
Wargayska Bild ayaa sheegaya in Alonso uu hadal qiiro leh u jeediyay ciyaartoydiisa isaga oo ku sugan qolka labiska.