Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Jorginho ayaa ogolaaday in uu si xor ah ugu biiro kooxda reer Brazil ee Flamengo dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani ayaa 78 kulan u saftay Gunners tan iyo markii uu 12 milyan uGu soo biiray kooxda sanadkii 2023.
Jorginho ayaa xagaagii hore u saxiixay heshiis kordhin hal sano ah si uu u sii joogo Emirates, laakiin mustaqbalkiisa kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan ayaan la hubin.
33 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inuu ku dhawaaday inuu ka tago kooxda bishii January.
Dalab Falamengo ka gudbisay saxiixiisa ayaa la diiday wakhtigaas Iyada oo Arteta doonayay in uu sii haysto xiddiga Khadka dhexe.
Laakiin ka dib markii uu ku guuldareystay inuu heshiis cusub u kordhiyo Arsenal, Jorginho ayaa hadda beeca xorta ah ugu biiri doona Flamengo marka uu qandaraaskiisu dhaco June.
Wararka ka imanaya Brazil ayaa sheegaya in heshiis saddex sano ah oo ilaa 2028 ah uu si afka ah ugu heshiiyeen kooxda iyo Jorginho.
Jorginho ayaa lagu Rio de Janeiro bishii hore, waxaana uu aad ugu faraxsanaa inuu doonayo inuu ku laabto wadankii uu ku dhashay.