Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Chelsea ayaa garaacday Liverpool kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 35-aad ee xilli ciyaareedka.
Chelsea ayaa ku badisay 3/1 kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier League.
Blues ayaa sii xejisatay rajadooda u soo bixista champions League kadib markii ay ka badiyeen Liverpool iyaga oo leh 63 dhibcood isla markaas 3 dhibcood ka sareeya Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta 6-aad.
Xiddiga Enzo Maresca ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 3-aad ee qaybta hore waxana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Chelsea ayaa daqiiqadii 56-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Quansah.
Liverpool ayaa isku dayday in ay soo laabato waxaana u suurtagashay in ay hesho goolkeeda kowaad daqiiqadii 85-aad waxaana u dhaliyay xiddiga reer Holland ee Virgil van Dijk, laakiin Chelsea ayaa waqtigii dhimashada ciyaarta ku dhamaystirtay goolkii saddexaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Cole Palmer, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 3-1 ay guushu ku raacday Blues.