Barcelona oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ku sheegtay in daafaca reer France ee Jules Kounde uu soo gaadhay dhaawac isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo aan la cayimin.

Kounde ayaa ku dhaawacmay ciyaartii Barcelona ay la ciyaartay Inter Milan fiidnimadii Arbacada, lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Montjuïc Stadium.

Laacibka ayaa baaritaan caafimaad ku maray kooxda reer Catalonia ee goobta uu dhaawaca ka soo gaaray, taasoo lagu ogaaday dhaawac ka soo gaaray bowdada bidix.

Kooxda ayaa xaqiijisay kaliya in Jules uu garoomada ku soo laabanayo ay ku xiran tahay xawaaraha uu soo kabsado iyo ka jawaabista barnaamijka daawaynta.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Kounde uu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka lugta labaad ee Inter Milan ee Giuseppe Meazza, ama kulanka El Clasico ee Real Madrid ee horyaalka maxaliga ah.

Haddii Kounde uu garoomada ka maqnaado muddo 21 maalmood ah, waxa uu seegi doonaa shan kulan oo uu la yeelan doono Barça, oo ay kula jiraan Valladolid, Inter Milan, Real Madrid, Espanyol, iyo Villarreal.