Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maraykanku wuxuu saxiixay waxa uu ku tilmaamay iskaashi dhaqaale oo taariikhi ah oo uu la galay Ukraine.
Heshiiska ayaa dhisaya sanduuq maalgashi oo wadajir ah oo bixin doona kharashaadka dib u dhiska dalka.
Heshiiskani wuxuu si wax ku ool ah Maraykanka wax uga siinayaa faa’iidooyinka ka soo gala horumarinta shidaalka iyo gaaska Ukraine mustaqbalka.
Bedelkeeda, Ukraine-na waxay heli doontaa caawimo militari oo joogto ah oo ka timaadda Maraykanka.
Ukraine ayaa la rumeysan yahay inay leedahay kayd aad u badan oo ah macdanaha muhiimka ah sida graphite, titanium iyo lithium.
Macdanahaas kala duwan aad ayaana loo raadiyaa sababtoo ah waa in loo isticmaalo tamarta la cusboonaysiin karo, qalabka militariga iyo kaabayaasha warshadaha.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu dagaal ganacsi kula jiro Shiinaha, halkaas oo 90% kaydka macdanaha naadirka ah ee dunida il u ah.