PSG Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Arsenal Lugta Hore Ee Semi Finalka Champions League

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa guul muhiim ah ka gaartay Arsenal kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen lugta hore ee semi-finalka Champions League. Goolka guusha waxaa dhaliyay Ousmane Dembélé daqiiqaddii 4-aad ee ciyaarta.

Dembélé ayaa kubbad uu ka helay Khvicha Kvaratskhelia u dhameystiray si qurux badan, isagoo ka adkaaday goolhayaha Arsenal David Raya, taasoo aamusiisay taageerayaashii garoonka Emirates.

PSG ayaa si xooggan ku bilowday ciyaarta, iyadoo fursado kale ay heleen Désiré Doué iyo Fabián Ruiz, balse ma eysan helin goolal kale. Arsenal ayaa ciyaarta ku soo laabatay qeybtii dambe ee ka hor nasashada, hase yeeshee Gianluigi Donnarumma ayaa badbaadiyay dhowr fursadood oo halis ahaa oo ay heleen Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard.

Qeybtii labaad, Arsenal waxay u muuqatay inay keeneen goolka barbaraha markii Mikel Merino shabaqa soo taabtay, balse VAR ayaa diiday goolka sababo la xiriira offside. Donnarumma ayaa mar kale is muujiyay isagoo badbaadiyay kubbad halis ahayd oo Trossard uu toogtay.

Dembélé ayaa ciyaarta ka baxay daqiiqaddii 69-aad kadib dhaawac soo gaaray, taasoo shaki gelisay inuu ciyaari doono lugta labaad.

Inkasta oo Arsenal cadaadis badan saartay daqiiqadihii dambe, PSG waxay awooday in ay guushaas yar difaacdaan si ay lugta labaad ee ka dhici doonta Parc des Princes May 7 ugu laabtaan iyagoo leh faa’iido muhiim ah.