Trump oo u dabaaldegay 100-ka maalmood ee uu xafiiska joogay isagoo ka hadlay waxqabadkiisa.

0
19

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u dabaaldegay 100-ka maalmood ee uu xafiiska jooogay muddo xileedkiisa labaad isagoo jeediyay khudbad u eg olole doorasho, taasoo uu ku xusay guulihiisa isla markaana uu ku beegsaday mucaaradiisa siyaasadeed.

Isagoo ku faanayay waxa uu ugu yeeray “kacdoon maangal ah “, ayuu taageerayaashiisa ku sugan gobolka Michigan u sheegay inuu xilkiisa u adeegsaday sidii uu isbeddel qoto dheer ugu keeni lahaa dalka.

Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, wuxuu kaftan iyo dhaleeceyn ku wajahay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Dimuqraadiga ahaa Joe Biden, wuxuuna sidoo kale eedeyn cusub u jeediyay guddoomiyaha keydka ee Mareykanka, isagoo iska indhatiraya ra’yi ururinta muujinaysa in taageeradiisu ay hoos u dhacday.

Trump ayaa si weyn hoos ugu dhigay tirada muhaajiriinta si sharci darro ah uga tallaabaya xadka Mareykanka, hase yeeshee dhaqaalaha ayaa u noqon kara daciifnimo siyaasadeed xilli uu dagaal ganacsi oo caalami ah ku jiro

Isagoo ka hadlayay xarunta warshadaha gawaarida ee Mareykanka, Trump wuxuu sheegay in shirkadaha baabuurta ay “saf ugu jiraan” si ay u furaan warshado cusub oo wax soo saar ah gobolka Midwestern.

Horaantii maalintaas waxa uu dabciyay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa dhaqaale – canshuuraha soo dejinta baabuurta iyo qaybaha baabuurta ka dib markii shirkadaha baabuurta ee Maraykanka ay ka digeen khatarta sare u kaca qiimaha.