Xisbiga Libaraalka oo ku guuleystay doorashada Canada.

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiga Liberal Party ee Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashada Canada, waxaana uu soo dhisi doonaa dowladda soo socota.

Mar sii horreysay Warbaahinta Kanada ayaa saadaalinaysay in xisbiga haya talada ee Liberal Party uu ku guuleysanayo muddo xileedkiisii afraad oo xidhiidh ah.

Natiijada Doorashadan ayaa ku soo aadeysaa iyadoo dadka reer Canada ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah waxayna dadka reer Canada doonayaan hoggaamiye wax ka qabta dhibaatooyinkaas.

Doorashadan ayaa sidoo kale imanaysa iyadoo uu Trump hore u sheegay inuu doonayo in Canada uu ka dhigayo gobolka 51-aad ee Mareykanka