Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad ay ku Qalinjabinayeen 75 Gabdhood Baratay Xirafada kala duwan sida Dhar karinta, Cilaan Saarka iyo sido kale Xirfado kale ayaa lagu qabtay Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Degmada, Saraakiil ka soctay Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Dalkeena iyo Marti sharaf kale.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dhoobley Muqtaar Maxamed Sahal oo daah furay Munaasabadda ayaa ku Bogaadiyay Ururka Haweenka Degmada Dhoobley sida ay kaalin muuqta uga qaadanaya Wax barida Gabdhaha Degmada.
Xasan Maxamed Cabdullaahi. ayaa faah-faahinaya