Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Ismaaciil Axmed Garas, oo ay wehliyaan Wasiirada Howlaha Guud iyo gargaarka, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada kismaayo iyo Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismayo ayaa maanta xarig jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliye deegaanka Qam-Qaam, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo.
Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay wax ka beddesho baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanka Qam-Qaam iyo nawaaxigiisa iyada oo Bulshada deegaanka Qam-Qaam iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa muddo dheer sugayay helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, waxaana dadaalka hirgelinta xaruntan gacan ka geystay Wasaaradda Caafimaadka ee Jubbaland iyo Hay’adda Qatar Charity.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya