Dhismaha Wadooyinka Laamiga Magaalada Baydhabo oo Meel Wanaagsan maraya.

0
26

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Abdullaahi Ali Watiin oo ka duulaya dardargelinta dhismaha Wadooyinka ka socda Magaalada ayaa booqdey Wadooyinka Cunaay, iyo tan Sodonka isku xirta oo Laami Casri ah la saarayo isagoo u kuur galay sida ay u socoto shaqada.

Guddoomiye Abdulaahi Ali Watiin ayaa Xog wareystey Engenrada gacanta ku haya dhismaha Wadooyinka halka ay marayaan iyo Horumarada laga gaarey, isagoo ku booriyey in la dedejiyo dhismaha wadooyinka Laamiga ah oo Muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa