Thibaut Courtois Oo Fariin U Diray Barcelona Ka Hor Final Copa Del Rey-ga.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa guul muhiim ah oo aad u adag ka gaadhay kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka Spain, waxayna kooxdu ku guulaysatay in ay saddexda dhibcood ku hesho inkasta oo ay dhibaato soo gaadhay intii ay ciyaartu socotay.

Iyadoo kooxda ay ku guuleysatay inay shabaqa ilaashato kulankii seddexaad oo xiriir ah ee horyaalka, Thibaut Courtois iyo asxaabtiisa ayaa isku diyaarinaya inay wajahaan Barcelona finalka Copa del Rey sabtida, taasoo fursad muhim ah u noqon doonta kooxda inay ku guuleysato koobka xilli ciyaareedkan.

Courtois oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Qaybtii hore ee ciyaarta dooga garoonka ayaa nagu adkeeyay in aan kubada dhaqaajino laakiin waxa aan isku daynay in aan dhalino goolka 1-aad”.

Marka loo eego isku diyaarinta finalka soo socda ee Barcelona, ​​goolhayaha Belgian wuxuu xaqiijiyay: “Aad ayaan diirada u saarnay oo aan ku faraxsanahay finalka, waxaan luminay Champions League waxaana ku jirnaa kaalinta labaad ee La Liga.”

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Finalka Copa del Rey ee Barcelona waa mid muhiim u ah kooxda oo dhan iyo taageerayaasha Real Madrid, waxaan dooneynaa inaan siino farxad weyn, waxaana dooneynaa inaan ku dagaalano dhamaanteen awoodeena oo aan muujino inaan nahay koox adag”.