Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay ku sugnaan doonaan waxa loogu yeero aagagga ammaanka ee ay samaysteen iyaga oo la wareegaya goobo badan oo Qaza ah xitaa marka dagaalka la soo afjaro.
Israa’iil Katz ayaa sheegay in ay sameyn doonaan aagg iyo “goob ammaan ah” si loo ilaaliyo bulshooyinka Israa’iil ” xaalad kasta oo ku meel gaar ah ama joogto ah “.
Israa’iil waxay sii wadi doontaa xannibaadda lixda toddobaad ah ee ay kaga hortagayso gargaarka bini’aadannimo si ay ugu cadaadiso Xamaas inay sii daayaan la haystayaasha, ayuu yiri, inkastoo Qaramada Midoobay ay ka digtay “cawaaqib xun” ee arrintan ka dhalan karto.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 1,650 qof la dilay tan iyo markii uu dagaalku dib u billowday 18-kii Maarso.