Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Brentford Thomas Frank ayaa shaaca ka qaaday saadaasha Champions League ee habeenka Arbacada iyadoo Arsenal ay ku wajahan tahay Real Madrid.
Arsenal oo sabtidii barbardhac 1-1 ah la gashay Brentford ayaa 3-0 ku xasuuqday Real Madrid ciyaar aanu taageere Gunners ku ilaawi doonin si degdeg ah.
Declan Rice ayaa dhaliyay labo laad xor ah oo cajiib ah si uu hogaanka ugu dhiibo Arsenal ka hor inta uusan Mikel Merino dhalinin gool seddexaad si uu hogaanka ugu dhiibo kooxda ka Hor Kulanka lugta 2-aad.
Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Yurub 15 jeer oo cajiib ah laakiin Frank wuxuu ku qanacsan yahay inaysan 16 jeer noqon doonin sanadkan madaama Arsenal ay “fiicnaan doonto” lugta labaad.
Markii la weydiiyay sida uu u wajihi doono Bernabeu isagoo seddex gool ku hogaaminaya, tababaraha Brentford Frank wuxuu ku jawaabay: “Miyaan qoslaa, runtii waan jeclaan lahaa in aan halkaas joogo”.
“Waxaan qabaa inaad u baahan tahay inaad Mikel kala hadasho taas, isaga iyo macalimiintiisu waxay muujiyeen sida ay u fiican yihiin iyo inta ay horumar”.
“Mikel waxa uu qabtay shaqo aan caadi ahayn si uu Arsenal uga dhigo mid tartan badan seddexdii sano ee la soo dhaafay.
“Waxay ku sugan yihiin meel wanaagsan, marka aad banaanka ka eegto, Arsenal waxay u shaqeysaa si adag, difaac ahaan aad ayay u fiican yihiin.
“Aad bay ugu fiican yihiin qaybaha difaaca, sidaas darteed waxaan qabaa inay fiicnaan doonaan Arbacada kulanka Real Madrid”.