Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland ayaa tababar socday muddo 15 cisho usoo xirtay 40 dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka kala socday degmooyinka Afmadow, Dhobley iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay barashada xirfadaha la xiriira rakibista tuubooyinka biyaha (Plumbing System) iyo korontada (Mechanical System), waxaana si gaar ah u bixiyay khuburo takhasus u leh culuumta Plumber-ka iyo Mechanical-ka.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya