Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Carruurtaan oo isugu jira agoon iyo danyar islamarkaana ku nool Kaamka Harqaboobe oo ku yaalo duleedka Waqooyiga Baladweyne ayaa xilligaan wajahaya duruufo dhanka waxabarashada ah.
Caruurtaan ayaa gaartay da’da Waxbarashada kuwaas oo aan awoodin in tagaan goobaha Wax lagu barto sida Dugsiyada Qur’aanka kariimka iyo iskuulada ee ku yaalo Magaalada Baladweyne maadamaa Harqaboobe 20 km uu ka fogyahay Magaalada.
Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya