Mikel Merino Oo Fariin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulankooda Champions League.

0
74

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ayaa digniin u diray Real Madrid ka hor kulanka lugta 1-aad ee Quarter-final-ka champions League.

Arsenal ayaa Emirates kula kulmi doonta Real Madrid kulan ka tirsan champions League kulan xiiso leh oo la wada sugayo,

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo bar-baro niyad jab leh oo 1/1 ah la gashay Everton sabtidii.

Kooxda Arsenal ayaa haatanba 11 dhibcood ka hoosaysa Liverpool tartanka premier League waxana ay haatan la ciyaarayaan kooxda 15 jeer ku guulaystay champions League.

Sida laga soo xigtay MARCA, Merino ayaa sheegay in ayna Arsenal wax cabsi ah ka qabin Los Blancos.

“Markii hore waxa ay mid adag laakiin haatan way isla qabsanayaan, hadii aad dhayalsato, hadii aanad si fiican isku ilaalin, waxa ay kugu sababi karaan dhibaato weyn”ayuu yidhi.

“Waxa aan Real Madrid u haynaa ixtiraam badan laakiin kama cabsanayno”ayuu sii raaciyay.