Enzo Maresca Oo Shaaciyay Sabab Layaab Leh Oo Keentay Barbarihii Chelsea La Gashay Brentford.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa jeediyay marmarsiiyo la yaab leh kadib markii kooxdiisa ay barbaro 0-0 ah la gashay Brentford kulan ka tirsanaa Premier League, taas oo sii dhaawacday rajadooda ah in ay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay guul ka gaarto Brentford Axaddii, iyadoo ay tahay in ay kor u qaadaan fursadahooda Champions League. Blues ayaa abuurtay fursado yar, waxayna hadda noqotay markii siddeedaad ee xiriir ah oo aysan guul ka keenin garoomada kooxaha kale ee Premier League.

Maresca ayaa sameeyay isbeddelo dhanka kooxda ah kadib ciyaartii kululayd ee ay la ciyaareen Tottenham usbuucii hore, hase yeeshee ciyaartoyda beddelka ah ayaa ku fashilmay inay wax ka beddelaan natiijada kulanka derbiga galbeedka London.

Si kastaba, tababaraha Chelsea ayaa weli ku qanacsanaa qaab ciyaareedka kooxdiisa wuxuuna sheegay in cimilada qorraxda leh iyo garoonka qallalan ee Gtech Community Stadium ay saameyn ku yeesheen ciyaarta.

Maresca ayaa shirkiisa jaraa’id kadib ciyaarta ka yidhi:

“Guud ahaan waxaan qabaa inaan ciyaar wanaagsan ciyaarnay. Khamiistii ayaan ciyaarnay, kulan adag, anagoo haysana 24 saacadood oo nasasho ka yar Brentford.

“Garoonka Brentford waa meel adag, ciyaartu way adkayd. Maalin qorraxeed ah, garoonkuna wuu qallalay. Waxay isku dayayeen inay ciyaarta gaabiyaan, sidaas darteed waxay ahayd ciyaar adag.

“Laakiin guud ahaan, waxaan qabaa inaan qabanay wax ku filan intii nalka rabay si aan guul u gaarno. Wax ka badan 20 jeer ayaan toogannay goolka, wax kaliya ee naga maqnaa wuxuu ahaa inaan dhalinno gool. Laakiin waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkeenna.

“Kaliya gool ayaa naga maqnaa. Mar walba wax baan hagaajin karnaa, ma aha maanta oo kaliya, balse guud ahaan. Haddii aad 20+ jeer toogato, waa in aad heshay fursado kugu filan oo aad ciyaarta ku guuleysato.”

Barbaraha Chelsea ayaa fursad siiyay Manchester City inay u dhaqaaqaan booska afaraad, balse kooxda Pep Guardiola ayaa iyaguna barbaro 0-0 ah la gashay Manchester United kulankii derbiga.

Markii la waydiiyay sida muhiimka u tahay in Chelsea u soo baxdo Champions League, Maresca ayaa intaas ku daray:

“Tan iyo maalintii ugu horreysay ee aan bilownay shaqadan, waxaan ku jirnay boosaska sare. Had iyo jeer waxaan ku jirnay afarta ama shanta sare. Xilli ka mid ah xilli ciyaareedka, waxaan xitaa gaarnay kaalinta labaad. Marka tan iyo maalintii ugu horreysay waan ku jirnay meeshaas, rajo ayaana ka qabnaa inaan ku dhammeyno halkaas.”