QM oo ka digaysa in xiisad ay ka dhalan karto xarigga Riek Machar

0
70

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Suudaanta koofureed ayaa ka digay in xarigga madaxweyne ku xigeenka 1aad Riek Machar uu dalka ku jiiday inuu qarka u fuulo inuu mar kale dagaal sokeeye ka qarxo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa hay’adda UNMISS Nicholas Haysom ayaa lagu sheegay in xiisadda kor u sii kacaysa ee u dhaxaysa taageerayaasha Mr Machar oo hore u ahaa hogaamiye fallaago iyo ciidanka madaxweyne Salva Kiir ay xagal daacinayso heshiiskii nabadda ee ay labada hogaamiye saxiixeen 2018 si loo soo afjaro muddo shan sano ah oo uu socday dagaal lagu hoobtay.

Todobaadyadii u dambeeyey ayaa waxaa jiray iska horimaadyo hubaysan oo sii baahayey. Talaadadii ayaa QM waxay ku eedeysay milateriga Suudaanta koofureed in bambooyin ay ka buuxaan dareere guban kara ay u isticmaaleen inay cirka kaga soo weeraraan miliishiyada fallaagada.