Darwin Nunez Oo War Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Xilli Lala Xidhiidhinayo Bixitaanka Kooxda.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Darwin Nunez ayaa ka hadlay Liverpool inta uu ku maqan yahay waajibaadka xulkiisa Uruguay isbuucaan, isagoo qirtay inuu aad u jecel yahay inuu ” ilaabo” dhibaatooyinka joogtada ah ee heer kooxeed.

Inkasta oo ay Liverpool u dhaqaaqday hanashada horyaalka Premier League, Nunez waxa uu soo maray xilli ciyaareed niyad jab leh xilli ciyaareedkii 2024/25.

Saxiixa £85m ayaa hoos u dhacay heerkii ugu sareeyay tan iyo imaatinka Arne Slot wuxuuna sii wadaa inuu halgan u galo sidii uu u muujin lahaa waxqabad joogto ah.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahano ka ciyaara yurub kana mid yahay xiddiga Newcastle ee Alexander Isak – taasoo u muuqata isku day lagu doonayo in lagu bedelo Nunez, oo qudhiisa ay xiiseynayaan Saudi Arabia.

Isagoo ka hadlayay xaaladiisa majaladda El Pais ee reer Uruguay, 25-jirka ayaa qirtay inuu ku dhiiraday “inuu wax yar ka iloobo waxa ka dhacaya [Liverpool]” isagoo raadinaya nasasho xulka qaranka.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka fikiro xulka qaranka, anigoo ku raaxaysanaya daqiiqad kasta, kuwani waa waqtiyo aad ku dhex jirto kubada cagta, sidaan dhawaan sheegayna, ma ihi qof si dhiiba sababta oo ah si fiican uman ciyaarin”.